XFS oo sharci darro ku tilmaamtay Doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe & Xulista Golaha Wakiillada DG Jubbaland
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel fog ka istaagay doorashadii Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo xulistii Baarlamaanka doortay ee doorashadoodu ka dhacday Magaalada Kismaayo Xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Doorashadaas ayuu Golaha Wasiirradu sheegay in aanay waafaqsanayn xeerka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, kan Xisbiyada & wax ka baddelka cutubyada Dastuurka Dalka.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo Warbaahinta u aqriyay warka kasoo baxay Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in xulista Golaha Wakiillada iyo Doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo ay yihiin kuwo sharci darro ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u diiday doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Kismaayo, sababta waxa ay ku sheegtay in Axmed Madoobe uu saxiixay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah.
Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shalay qabsaday Doorasho uu ku helay 55 Cod sidaasina uu ku guuleystay in uu Dowlad-Goboleedkaas hoggaamiyo shanta sano soo socota sida uu sheegay guddigii qabtay Doorashadaas.