Xassan Shiikh oo aqbalay in la soo celiyo Soomaalida Jarmalka
Warbaahinta Germany ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo dalkaas booqasho ku jooga uu ogolaaday in dib loo celiyo dhammaan qaxootiga Soomaaliyed ee Germany ku nool.
Hadalkan ayaa soo baxay ka dib Xassan Shiikh uu la qaatay Raisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz
In ka badan 60,000 oo Soomaali ah ayaa maanta ku nool Jarmalka – intooda badan waa magangalyo doon iyadoo Sanadkan oo kaliya 5,800 oo Soomaali ah ay galeen dalkaas sida wargeysku qoray.
“Dalkeennu wuxuu noqday mid nabdoon, hadda ma nihin waddan dagaal sokeeye ka socdo,” ayuu yiri Xassan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay BILD.
“Haa, wali waxaan la dagaalameynaa maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo IS, laakin dib ayaan u riixnay,” ayuu yiri madaxweynaha. “Ma nihin hadda waddankii laga sameeyey filimkii “Black Hawk down” ee ku saabsanaa Dagaalkii Muqdisho 31 sano ka hor ku dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo Maleeshiyaad Soomaali ah” ayuu mar kale yiri Xassan Shiikh.
Wargeyska ayaa intaas ku daray in Xassan Shiikh uu rabo inuu soo jiito maalgashadayaasha, gaar ahaan kuwa Jarmalka.
“Waxaan rabnaa inaan kasbano maalgashiyada. Waxaan leenahay kheyraad macdan ah, waxaan leenahay dhul beereed ballaaran, waxaana leenahay goobaha kalluumeysiga ugu wanaagsan, gaar ahaan Tuunada. Waxaan u baahanahay kalsooni iyo maalgashi – maaha kaliya lacagta horumarinta.” ayuu yiri Xassan Shiikh.
Ciidamadii nabad ilaalinta Midowga Afrika ayuu sheegay iney isaga baxayaan dalka. “Hadda waanu qaadanay masuuliyada nafteena iyo dalkeena. Waxaan nahay hogaankii guriga mar kale. Waxa la bedelayaa nidaamka doorashada oo laga beddelayo hab beeleed, loona beddelayo hal muwaadin iyo hal cod’.” ayuu mar kale yiri Xassan Shiikh.
“Waa inaan mar kale u noqonaa gurigeena muwaadiniinteena ku nool Jarmalka Mid kasta oo iyaga ka mid ah waxa uu leeyahay dal Soomaaliya la yiraahado Dhammaantood halkaas ayay ku noqon karaan – dhib malahan.” ayuu intaas ku daray Xassan Shiikh.
Hadalka Xassan shiikh ayaa ka careysiiyey kumanaan Soomaali ah oo Jarmalka ku galay tahriib ay ka mareen rafaad badan iyagoo nolol raadis, waxaana haatan dadkaas soo wajahay walaac la xiriira in si qasab ah loogu soo celiyo Somalia oo ay uga carareen shaqo la’aanta, dagaalada iyo duruufaha dhaqaale ee ka jira.