
Trump oo sheegay in Dalalka Khaliijka ay ka codsadeen in uu muddo kooban hakiyo duullaanka Iiraan
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Saaxiibadiis Khaliijka ay ka codsadeen in uu muddo kooban ku joojiyo duullaanka ka dhanka ah Iiraan sida uu warka u dhigay.
Donald Trump ayaa ku faanay in uu damacsanaa saddex cisho oo duullaaan culus ah oo Washington kusoo afjarto kaabayaasha Dhaqaalaha dalkaas si ay isu dhiibto Xukuumadda Tehran.
Trump ayaa marar badan oo hore sidaan oo kale u sheegay in Dalalka Carabta ay gacmsha ka qabteen weerarro miisaan culus uuna ku burburin rabay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan sida uu hadalka u dhigay.
Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay iska difaacista duullaanka Maraykanka, Israa’iil iyo Dalal koobaan oo u badan kuwa Carabta oo qorsheynaya weerarro cusub oo aanay Tehran isu dhiibi doonnin cadawgeeda dhinacyada badan.






















