Xaafad Ka Tirsan Magaalada Burco Oo Biyo Loo Raadinaayo

0
1030

Xaafad Ka Tirsan Magaalada Burco Oo Biyo Loo Raadinaayo

Wasiirka wasaaradda horumarta biyaha Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa xaafada 27 may ee magaalada Burco oo aan hore u hili jirin biyaha u dhagax dhigay ceel biyood casriya.

Wasiirka horumarinta biyaha Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo ay wehelinayaan wasiirka wasaarada horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda ayaa dhagax dhigay ceel biyoodkan laga hir gelinaayo xaafada 27may.

Saleebaan Cali Koore oo warbaahinta kula hadlay goobta ceelka laga qodaayey ayaa sheegay in la gaadhay xilligii ay xaafada 27 may iyo dadka danyarta ah ay heli lahayeen biyo nadiif ah oo ku filan, isaga oo arrinta ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waa wakhtigii ugu haboonaa Uguna Horeysay ee Dadka danyarta ah een biyaha helin ay si toos ah biyuhu u gaadhi lahaayeen.wuxuu noqon doonaa ceel aad iyo aad u habaysan oo qorshihiisu uu u buuxo haday tahay mid solar ah, motor iyo taangiba, waana ceel aanu ugu talo galnay in uu tusaale u noqdo sidii ceelasha”

Xaafadan ayaa ka mida xaafadaha ku yaala goobaha ka fog magaalada, isla markaana aan hore biyo u heli jirin,waxaanu ceelkani noqon doona mid daboola baahdida taala xaafadaasi ee dhanka biyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here