Wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida oo lagala noqday dhalashada Sacuudiga

0
669

Wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida oo lagala noqday dhalashada Sacuudiga

Dowlada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in dhalashada muwaadinimo ay kala noqotay wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore ee Ururka Al-Qaacida Usaama Bin Laadin.

War saxaafadeed ka soo.baxay wasaarada Arimaha Dibeda galinkii danbe ee Jimcihii shalay ayaa lagu sheegay in boqortooyada amar ay soo.saartay bishii November dhalashada lagala noqday Xamza Bin Laadin,sida uu qoray wargeyska Umul Quraa.

Go,aanka sacuudiga ayaa imaanaya maalin kadib markii dowlada Mareykanka ay ku dhawaaqday in 1 million oo doolar ay siin doonto cidii keenta xogta wiilka Bin Laadin.

Xamza ayaa muuqaalo iyo codad uu horay u soo duubay waxaa uu ugu baaqay dagaalyahanada Al-Qaacida in ay weeraraan wadamada Yurub iyo Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here