“Weerarrada Xuutiyiinta Waxa Ay Halis Galiyeen Isu Socodka Ganacsiga Xorta Ah”. Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin

0
149
US Army Lt. Gen. Lloyd Austin III sits at the witness table during a Senate Armed Services Committee on Military Nominations hearing for his pending reappointment to be general and commander of United States Forces-Iraq in the Dirksen Senate Office Building on Capitol Hill in Washington, DC, June 24, 2010. AFP PHOTO/ROD LAMKEY JR (Photo credit should read ROD LAMKEY JR/AFP via Getty Images)

“Weerarrada Xuutiyiinta Waxa Ay Halis Galiyeen Isu Socodka Ganacsiga Xorta Ah”. Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo ka falceliyay weerarka Xuutiyiintu ay ku beegsanayaan Maraakiibka ay leedahay Israaiil iyo kuwa u socda dekadaha ay maamulaan ayaa welwel xooggan ka muujiyay tallaabadaas.

Austin ayaa sheegay in halis badan oo ka dhan ah Ganacsiga Xorta ah ay soo kordhiyeen weerarradaas oo maalmihii u dambeeyay si isdaba-joog ah uga dhacayay Biyaha ama marinka Badda Cas waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in Maraykanka uu ka fiirsanayo tallaabada ku habboon uu ka qaadayo weerarradaas si uga jawaabo halista amni ee dhinaca badda Cas kasoo socota waa sida uu yiri Xoghayaha Difaaca Dalkaas Lloyd Austin.

“Badda Cas waa marin-biyood muhiim ah oo lagama maarmaan u ahaa xorriyadda socdaalka iyo marinada ganacsi ee waa weyn kuwaas oo fududeeya ganacsiga caalamiga ah, Weerarrada Xuutiyiinta waxa ay halis galiyeen isu socodka Ganacsiga xorta ah” ayuu yiri Lloyd Austin Xoghayaha Difaaca Maraykanka.

Go’aanka dhowrka shirkadood ay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen safarkooda dhinaca badda ayuu ku sifeeyay dhibaatooyin sare u qaadaya maciishadda iyo ganacsiga xorta ah marba haddii socodka Maraakiibtu uu ku yaraado Badda Cas.

Xuutiyiinta Yemen ayaa joojinta weerarka badda ku xirtay in Israaiil ay Falastiin ka joojiso go’doominta & duqeynta aan loo meel dayin ay ku garaacayso meelo ay kamid tahay Magaalada Gaza balse haddii dhegaha ay ka furaysato dhibaatadu ku kordhin doonnaan.