Wasiiro u socday Garowe oo loo diiday inay tagaan Magaaladaasi

0
725

Wasiiro u socday Garowe oo loo diiday inay tagaan Magaaladaasi

Puntland ayaa ku wargelisay xubno ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Garowe ku wajahnaa in aysan ka soo duuli karin garoonka diyaaradaha Aadan oo ay mudda saacado ah ku xayiran yihiin.

Dadaallo ay sameeyeen qaar ka mid ah Isimada Puntland oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday, sida ilo wareedyo ay xaqiijinayaan.

Go’aankan mamnuucista ayaa ku kooban Golaha Xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somaliya, hase yeeshee kuma jiraan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Wasiiradan loo diiday inay tagaan Magaalada Garowe, ayaa ka soo jeeda deeganada Puntland, waxayna doonayaan inay goobjoog ahaadaan doorashada Maamulkaasi.

Laba cisho kaliya ayaa ka dhiman waqtiga loo balamay inay qabsoonto doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaana Magaalada Garowe ka socda loolan adag oo Musharaxiinta ay ku kala jiidanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya haatan ku sugan magaalada Garowe oo ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen, kuwaas oo u yimid arrimaha doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here