Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha Ee Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Sababihii Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Xilka Looga Qaaday Iyo Dhacdooyin Cajiib Ah Oo Uu Ka Sheekeeyay.

0
812

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha Ee Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Sababihii Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Xilka Looga Qaaday Iyo Dhacdooyin Cajiib Ah Oo Uu Ka Sheekeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Iidle Saajin ayaa daboolka ka qaaday sabibihii galaaftay ee uu xilkiisa ku waayay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi kaasi oo uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi xil Wareejin ku sameeyay, Waxa uu Wasiir Saajin sheegay in maalmihii u dambeeyay uu Wasaaraddaasi Maaliyadda Buuq ka taagnaa islamarkaana ay maalmaha qaar ceeryoomi jirtay oo ay wasiiraddu waayi jireen meel ay kala joogsadaan.

Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa sidan ka sheegay Khudbad uu Shalay ka jeediyay Munaasibad ay Shalay xilka Wasaaradda Arimaha Dibada kula kala wareegeen Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Sacad Cali Shire iyo Wasiirka dhawaan loo soo wareejiyay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon),waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Prof. Yaasiin Fartoon waxaanu isnaqaanay Muddo toban bilood ah, intii hore maan aqoon, laakiinse waxaan ku bartay rag aad u karti badan, kartidana waxaa keenaysa, mid loo dhashayna way jirtaa laakiin mid khibrad badan oo ay Wadanka ku leeyihiin, Meelo badanna ay Hawlo qaranka uga soo qabteen, ayaa keenaysa Kartida, waxaan rajaynaa Prof.Yaasiin Fartoon oo aan Illaahayn ka baryayaa in Wakhtiga u isagu meesha qabtay, inkasta oo rag badan soo dadaalay, Himiladii uu wadanku raadinayay ay rumawdo”

Waxa kale oo uu yidhi“Dr Sacad Hawlo badan ayuu qabtay, Waa nin Karti badan, waa nin dadaal badan, waa nin aan buuq iyo meelahaasi kujirin, waxa weeyi hawsha uu halkan ka hayay Hawl kale oo qaranka uga sii wayn oo aad u culus ayaa loo dhiibay, waxa weeyaan Dhaqaalaha wadankeenu waa mihiim, Waxa weeyaan Laba Ictiraaf ayaa jira, Ictiraaf siyaasadeed, haddii dalkaagu liito, dadkaagu liito oo shaqo la’aantu faro badato, iyada lafteedu waa Ictiraaf la’aan, aad u fog, aad iyo aad ayuu usoo dadaalay, kama fadhiisan, wuu wareegay, Muu nasan Habeen iyo Maalin wuu wareegayay, Wasaaraddo badan ayaa soo qabatay, tan imika aad tagaysana waa mid aad u mihiim ah”
Ugu dambayn waxa uu yidhi “Waliba waad garanaysaa oo Dhawr goor ayaan iskugu nimid Wasaaradda Maaliyadda iyadoo la buuqayo, Ganacsato, Wasaaraddo, Wixii oo dhan ayaa isku jaajayay halkaasi Gudaha Wasaaradda Maaliyadda, Waxaan umalaynayaa Qun yar socodnimadaada Sacadow inay Aad u degi doonto Wasaaraddu, way iska Buuqsanayd Waayadanba Iyo Indhawaydba, Illaahayna hakula garab galo, Faratoona waan u ducanaynaa oo arin wayn ayaa meesha kuu taala,laakiin waayo aragnimadeedii waad leedahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here