Wasiirka Tamarta Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

0
17

Wasiirka Tamarta Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Tamarta & Khayraatka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa maanta oo Jimco ah soo gaaray Magaalada Muqdisho si uu qayb uga noqdo daahfurka Shidaal baarista Soomaaliya.

Wasiirka oo la socday diyaarad gaar ah ayaa kasoo kicitimay Magaalada Ankara, waxaa kasoo horreeyay wafdi shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay u diyaariyaan qaban-qaabada soo dhaweyntiisa Caasimadda.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta, waxaa la joojiyay isu socodka qaybo kamid ah Waddooyinka Caasimadda gaar ahaan kuwa muhiimka u ah Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa heshiis ku galay baarista shidaalka, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa soosagootiyay marka howshaan fulinaya oo maanta kusoo xirtay Dekedda Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u daah-furo qorshaha shidaal-baarista ee markabka ilaalada wata ee Turkiga laga leeyahay isla markaana la sameeyay sanadkii 2017kii.

La soco wixii kasoo kordha