Wasiirka Hawlaha Guud Oo Muddo Tobaad Ah Cisbitaalka Ku Jira Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Booqan !!
Hargeysa (Dalmar-News):-Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo guryenta Somaliland Md Cabdirashiid Qanbi ayaa muddo ka badan Todobaad ku xanuusanaayey magaalada Hargeysa isla markaana u kala dhaxeeyey oo yaalay Marna Cisbitalka International Iyo Gurigiisa .
Wasiirka oo xalay dib loogu soo celiyey Guriiga ayaa maanta dib loogu celiyey Cisbitalka International oo uu markii hore yaalay , kadib markii xaaladiisa caafimaad ka soo reyn weyday , alleh ha caafiyee.
Madaxweynaha Somaliland oo shalay Cisbital Haldoor ee magaalada Hargeysa ku booqdey Wasiirka Caafimaadka oo isna xaalad caafimaad u yaala ayaan booqanin wasiirka Hawlaha Guud oo isna Markaas xanuun u jiifay .
Lama Garan Karo Sababta uu madaxweyne Biixi ii wasiiradiisa Xalaada Caafimaad u kala yaala cisbitaalada Hargeysa uu mid ka mid ah u booqdey , halka mid kale-na uu u booqan waayey
Sidoo kale warar soo gaadhay shabakada Ilaysnews.com waxaa ay sheegayaan in isla saaka cisbitalka Haldoor uu wasiirka caafimadka ku booqdey madaxweyne ku xigeeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici