Wasiirka dhaqaalaha dalka Finland oo sheegay Soomaalida ku dhaqan dalkaas in ay u tarmayaan sidii geedka Ubaxa

0
169

Wasiirka dhaqaalaha dalka Finland oo sheegay Soomaalida ku dhaqan dalkaas in ay u tarmayaan sidii geedka Ubaxa

Dowlada Finland ayaa xilligaan wajaheysa muran la xiriira cunsuriyad iyada oo wasiirka dhaqaalaha ee dalkaasi uu dhaleeceyn kala kulmayo fariimo gaar ah oo warbaahintu ay kashiftay, kuwaas oo ku saaban kicin dadweyne oo salka ku haysa cunsurnimo.

Farriimo daaha laga qaaday ee 2016 ee uu daabacay, lana soo fatashay maalintii Khamiista ayaa muujinaya sida uu Wasiirka dhaqaalaha dalka Finland u cunsuriyadda uu kula dhaqmay dadka ku nool dalkaas.

Wasiirka dhaqaalaha dalka Finland Wille Rydman ayaa sheegay in Soomaliada ku dhaqan dalkaas ay u tarmaan sida geedka lagu magaacaabo Lily of the valley ee fiyooraha iyo ubaxa leh, isaga oo u hadlay si cunsuroyadnimo ku jirto.

Hadalkaan ka sooyeeray Wasiirka dhaqaalaha dalka Finland ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu socda olole ka dhan ah dumarka xijaaban ee ku dhaqan dalkaas, kaas oo markii dambe uu Wasiirka la kulmay dhaleeceen ku qotonta in uu wado kicin dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here