Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Xaaladda Amni Ee Dalka Kala Shiray Badhasaabada

0
73

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Xaaladda Amni Ee Dalka Kala Shiray Badhasaabada

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan la qaatay Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka, kulankan ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo dardargelinta shaqada muhiim ka ah ee ay Qaranka u hayaan.

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha JSL, waxaanu Wasiirku kula dardaarmay Gudoomiyeyaasha Gobolada adkaynta, xoojinta Nabadgelyada guud ee Gobolada Dalka iyo in la dardargeliyo laamaha kala duwan ee Amniga, kuwaas ka hawl gala Gobolada kala duwan ee Dalka.