Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga oo ka hadlay qorshaha xiga ka dib heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

0
46

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga oo ka hadlay qorshaha xiga ka dib heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in dalkiisu dadaal badan ku bixiyay sidii khilaafaadka iyo dagaallada dunida ka jira loo xallin lahaa si loo gaaro horumar iyo nabad waarta.

Wasiirka wuxuu tusaale u soo qaatay heshiiskii xalay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ay garwadeen ka ahaayeen Madaxda sare ee Turkiga ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Recep Dayib Erdogan.

“Waxaan si taxadar leh u dhegeysannay dareenka dhinacyada Soomaaliya iyo Itoobiya, annaga oo isku daynay in aan isku soo dhaweenno, waxaana soo baxay Bayaanka Baaqa Ankara” ayuu yiri Wasiir Hakan Fidan.

Sidoo kale, wasiirka Hakan ayaa sheegay in tillaabada heshiisiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka turjumeyso dadaalkooda ku aadan xoojinta Xasilloonida iyo Nabada Afrika.

Wuxuu uga mahadceliyay Soomaaliya iyo Itoobiya kalsoonida ay ku qabaan dhexdhexaadinta Ankara, isagoo xusay in Turkiga uu sii wadi doono taageeradiisa si loo sii amba qaado geeddi-socodka iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dhinacyada.