Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga oo sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay dilka Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeynayo Sucuudiga

0
797

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga oo sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay dilka Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeynayo Sucuudiga

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga wuxuu sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Sucuudiga.

Caadil Al Jubeyr oo ka hadlayay shir ka socday dalka Baxreyn wuxuu ku eedeeyay warbaahinta reer galbeedka inay bunbuuniyeen markii ay tebinayeen dhacdada.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli Turkiga uu codsaday in loo soo gacan geliyo 18 qof oo u dhashay Sucuudiga oo looga shakinsan yahay inay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal Kaashogji.

“Arrinta ku aadan dhiibista, shakhsiyaadka waa muwaadiniin u dhashay Sucuudiga, waxaa lagu xiray gudaha Sucuudiga, baartinaada Sucuudiga ayay ka socdaan, waxaana lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka Sucuudiga” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibaddaa Sucuudiga.

Maxamed Bin Salmaan: Waan ciqaabi doonnaa dambiileyaashii dilay Jamal Khashuqji

Shan arrimood oo aysan reer galbeedka uga maarmin Sucuudiga

Muxuu yiri Dhaxal Suguhu?

Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa ballan qaaday in la ciqaabi doono “Dambiileyaashii” masuulka ka ahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi ee Turkiga lagu dilay.

Asagoo ka hadlayey madasha ganacsiga ee ka dhacaysa Riyadh, Mohammed bin Salman ayaa yiri “Fal dambiyeedkaas waxa uu xanuun ku ahaa dhammaan dadka reer Sacuudi” mana noqo doono mid aan ku kala tagno Turkiga.

Sacuudiyiinta ayaa horay u beeniyey eedamaymaha la xiriira in Dhaxal Suguhu kaalin ku lahaa dilka.Lahaanshaha sawirkaEPA
Image captionSacuudiyiinta ayaa horay u beeniyey eedamaymaha la xiriira in Dhaxal Suguhu kaalin ku lahaa dilka.

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa horay u beeniyey eedaymaha sheegaya in Dhaxal Sugaha laftiisu uu kaalin ku lahaa dilka.

Khashoggi ayaa 2-dii October booqasho ku tagay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Dawladda Sacuudiga ayaa dilka ku eedaysay koox dilaa ah oo arxan daran.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegaya in saxafigaas lagu dilay qorshe si feejigan ay u soo abaabuleen saraakiisha sirdoonka Sacuudiga iyo saraakiil kale wuxuuna ku tilmaamay “dil siyaasadeed.”

Maxaa ugu dambeeyey baaritaankii?

Waxa uu waraysi siiyey Bloomberg,waxaana la daabacay 5-tii October, saddex cisho kadib booqashadii qunsuliyadda.

Waraysigaas ayuu ku sheegay “Inuu maqlay uun warar suqeed ku saabsan waxa dhacay”

Waxa uu intaas ku daray: “Sidaan maqlay wuxuu galay qunsulliyadda wuuna ka baxay dhowr sadiiqo kadib ama hal saacad. Mana hubo.”

Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa sheegay in ay xukuumadda Turkiga u oggolaanayaan in ay baadhitaan ku samayso dhismaha “Majirto wax aan qarinayno” ayu yiri.

Jamaal Khaashuqgi: Maxaan ka ognahay tan iyo markii la waayay ilaa dhimashadiisa?

Arrinta ugu wayni waa maydkii, kaas oo aan wali la hayn wax astaan ah.

Halka ugu dambaysay ee diiradda la saaro ayaa u muuqata in uu yahay ceel kuyaal beer ku dhextaal dhismaha qunsuliyadda Sacuudiga.

Intii uu baadhitaanku socday waxaa jira warar is khilaafsan oo soo baxay. Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa markii hore sheegtya in Sacuudiyiintu ay diideen in ay fasax u siiyaan in la baaro, isla TV-ga qaranka Turkiga ayaa haddana sheegay in fasax la siiyey.

Talaadadii waxaa soo baxay warar isla kuwaas lamid ah oo is khilaafsan oo ku saabsan in alaabo uu lahaa Khashoggi laga helay boorso ku dhex jirtay gaari diblumaasi oo Sacuudiga laga leeyahy.

Mr Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu hayo caddaymo xooggan oo ku aaddan in saxafigaas lagu dilay shirqool bareer ah wuxuuna ku baaqay in dadka dilkaas lagu tuhunsan yahay lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here