Wasiir Roobow “Dowladaha ugu wanaagsan ee Xujeyda daryeela ayaan ka mid noqonay”

0
122

Wasiir Roobow “Dowladaha ugu wanaagsan ee Xujeyda daryeela ayaan ka mid noqonay”

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ay gashay kaalinta afaraad, iyada oo la guddoonsiiyay abaal-marinta caalamiga ah ee Labbaytum Award, taas oo ay bixiso Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan Wasaaradda Xajka iyo Cumrada.

 

Abaal-marintan ayaa lagu maamuusaa waddamada si heer sare ah uga shaqeeya daryeelka, hagidda iyo adeegyada ay u fidiyaan muwaadiniintooda inta lagu guda jiro Xajka iyo cibaadooyinka kale ee barakeysan.

 

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga ayaa si gaar ah u bogaadisay Soomaaliya, iyadoo tilmaantay horumarka laga sameeyay isku-duwidda, diyaar-garowga iyo la-tacaalida baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Xajka u gudbaya.

 

Waxaa sidoo kale la ammaanay dedaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo in Xujeyda Soomaaliyeed ay si nabad ah, sharaf leh, iyo nidaamaysan u gutaan waajibaadkooda cibaado.

 

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga abaalmarintan.