Wasiir Guribarwaaqo Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Cashuuro Xukuumadu Ku Soo Rogtay Warbaahinta

0
826

Wasiir Guribarwaaqo Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Cashuuro Xukuumadu Ku Soo Rogtay Warbaahinta

Hargeysa (Dalmar-News):-  Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa difaacay Cashuuro hor leh oo ay Xukuumadda Muuse Biixi oo Wasaaraddiisu hormuud u tahay ku soo rogayso Warbaahinta kala duwan ee Somaliland ka hawlgasha, sida TV-yada, Wargeysyada iyo Shabakadaha Wararka ee madaxa-bannaan, waxaanu sheegay inuu ku boorrinayo Dadka leh Warbaahintu inay iska bixiyaan Cashuurta.

Cashuurtan oo u muuqata mid culays ku leh Warbaahinta dalka, ayaa lagu soo daray oddoroska Miisaaniyadda dawladda ee 2019-ka oo hadda hortaalla Golaha Wakiillada, waxaanay Ururrada Saxaafaddu sheegeen inay tahay mid culays iyo cabbudhin ku ah Warbaahinta. Balse Wasiirku wuxuu ku dooday inay tahay mid waajib ah oo Saxaafadda looga doonayo sida ganacsatada kale, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo, waxa uu sidan ku sheegay War-saxaafadeed ay faafisay  Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Warfaafintu, waxaana uu u  qornaa sidatan:-

“Waxa maalmahan aad loo hadal hayey wax ka bedelka tacriifadda Warbaahinta ku waajibtay oo Saxaafadda iyo siyaasiyiinta qaarkood si gurracan u sifeeyeen, iyagoo bulshada uga dhigay culays Xukuumaddu saarayso Warbaahinta.

Haddaba, iyada oo Wasaaradda Warfaafintu ka duulaysa muhiimadda ay qaranka u leedahay saxaafaddu waxay u caddeynaysaa bulshada Somaliland in aanay haba yaratee jirin culays ay xukuumadu saarayso hay’daha Warbaahinta, balse ay waajib tahay in Warbaahintu noqoto cashuur bixiye rasmiya oo la mid ah ganacsatada iyo muwaadiniinta  kala duwan ee cashuur bixiyayaasha ah.

Waxaynu og nahay in warbaahintu ka mid tahay hay’daha ganacsi iyo wax soosaar ee dalka, sidaa darteed, waxa la gaadhay xilligii ay u hagar bixi lahayd bixinta cashuuraha ku waajibay, maadaama oo 27kii sanno ee la soo dhaafay aanay warbaahintu wax cashuura bixin.

Warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaa looga baahan yahay inay aamminsanaato in bixinta cashuuruhu yihiin waajib dastuuri ah oo saaran muwaadin kasta derajo kasta oo uu leeyahay iyo shaqo kasta oo uu hayaba,  waxa habboon in aanay Saxaafadda dalku iska dhigin qaar ka hooseeya jeeb ahaan ganacstada yar-yar iyo wadhatada  ka xoogsata suuqyada magaalooyinka dalka oo si hagar la’aan ah qarankooda ugu hura cashuuraha ku waajibay, iyadoo   qaarkood ay masaariiftooda kala soo baxaan ganacsi  aad uga yar lacagta  ay Warbaahintu ka qaado dadka ay u baahinayaan  wararka, barnaamijyada iyo  xayeysiiska hal mar baxaya.

Waxa, haddaba, la gaadhay  xilligii ay Saxaafadda dalku dareemi lahayd in cashuuruhu yihiin mishiinka lagu wado adeegyada bulshada iyo sugidda xuduudaha dalka, isla markaana ay hormuud ka noqdaan  u hagar-baxa cashuuraha ku waajibay ganacsigooda.

Si kastaba ha ahaatee, tacriifada cashuureed ee Warbaahinta ku waajibtay ee ku jirta miisaaniyad sannadeedka qaranka 2019ka, waxay noqonaysaa lacagta diwaangelinta (Registration Fee) ee Hay’adaha Warbaahinta  cusub ee dalka laga furayo oo hal mar laga qaadi doono iyo cashuurta liisanka sannadlaha ah ee ganacsiga.

Sidaa awgeed, waxaan  mulkiilayaasha warbaahinta ku boorrinayaa in ay noqdaan cashuur bixiye wanaagsan oo qaranka wax ku leh, una hoggaansan nidaamka iyo qawaaniinta  dalka.” sidaa ayuu Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ku yidhi War-saxaafadeedkiisan.

Geesta kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo qoraal rasmi ah shalay u gudbiyey Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo gacanta ku haya shaxda Miisaaniyadda Xukuumaddu u gudbisay, kaas oo uu SOLJA ku dalbaday in laga fiirsado ansixinta cashuuraha xad-dhaafka ah ee ay Xukuumaddu doonayso inay ku soo rogto Warbaahinta madaxa-bannaan.

Guddiga Dhaqaalaha oo maanta Golaha warbixin u gudbiyey, ayaa iyaguna Mudanayaasha u jeediyey dalab ah in Cashuuro lix Wasaaradood oo Warfaafintu ku jirtaa soo rogeen la laalo ama miisaaniyadda laga reebo oo aan la ansixin, maaddaama oo ay yihiin cashuuro wakhtigan aanay bulshadu qaadi karin. Hase-yeeshee, lama oga sida ay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu ka yeeli doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here