Hargeysa(DN)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Md Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo muddo safar ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa kulan kula yeeshay Magaaladda Diridhaba Ugaaska Ugaaska Beelaha Ciise, ganadaha beeshaasi iyo Maayirka Diridhaba.Wasiirka ayaa Ugaaska gaadhsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ugaaska ayaa dhankiisa soo dhaweyey Wasiirka isagoo uga mahadnaqay kulankaasi