Wasaaradda Amniga oo war saxaafadeed ka soo saartay hoobiyeyaashii lagu weeraray Xarunta Xalane

0
541

Wasaaradda Amniga oo war saxaafadeed ka soo saartay hoobiyeyaashii lagu weeraray Xarunta Xalane

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay hoobiyeyaashii shalay lagu weeraray xarunta Xalane, gaar ahaan Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in falkaas ay ka dambeeyeen argagixisada, waxaana caafimaad loogu rajeeyay shaqaalihii UN-ka ee ku dhaawacmay.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigi doono cidii ka dambeysay hoobiyeyaashaas, lana wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay baaritaan ku sameyso madaafiicda lagu weeraray Xarunta UN-ka, isla markaana si degdeg ah cadaalada loo horkeeno cidii ka dambeysay.

Warka ay soo saartay Wasaaradda Amniga ayaa yimid maalin kaddib markii madaafiic lagu weeraray Xarunta UNSOM ee ku taal Xeyndaabka Xalane ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana weerarkaas sheegatay Al-Shabaab.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here