Warar dheeraad oo ka soo baxaya dagaal dhexmaray ciidamada SSC Khaatumo iyo Somaliland

0
143

Warar dheeraad oo ka soo baxaya dagaal dhexmaray ciidamada SSC Khaatumo iyo Somaliland

Maanta waxaa degan xaaladda deegaannadii uu shalay ka dhacay dagaalka u dhexeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo, kaas oo labada dhinac ay ka kala sheegteen guul in ay ka gaareen midba midka kale.

Dagaalka oo dhacay subixi hore ee shalay ayay labada dhinacba sheeganayeen guulo, wuxuuna ka dhacay degmada Oog oo u dhaxeysa Buur-dharkeyn iyo Yeeyle. Somaliland ayaa sheegtay dagaalka ay sabababeen gaaradada SSC Khaatumo.

Dhinaca kale, maamulka SSC Khaatumo oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in Somaliland ay weerarka soo qaadday, ma aysan sheegin khasaaraha rasmiga ee soo gaaray dhankooda, balse dadkii ka qaxay magaalada ayaa dib ugu laabtay maanta.

Muuqaallo lasoo dhigay Baraha Bulshada waxaa ka muuqday Dhalinyaro dhaawacyo soo gaaray kuwaas oo qayb ka ah dagaalka inkasta oo ay jiraan kuwo kale oo aan soo muuqan balse dhaawacyo kasoo gaaray dagaalkaas.

Iska hor imaadka xooggiisa waxa uu ka dhacay Buq-dharkayn & Bali Cumar, Somaliland iyo Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa guullo ka kala sheeganaya dagaalkaan dib ugu soo cusboonaaday Gobolka Sool.