Waqtiga Ay Bilaabaneyso Diiwaan-Gelinta Cod-Bixiyayaasha Doorashada S/Land Oo La Shaaciyay
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.
Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020;
Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/2020;
Markaan Dersay: Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;
Waxaan Go’aamiyey;
In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020.