Waa maxay Sababta ay Ilhaan Cumar u qaadacday Madaxweynaha Israel si la mid ah kan Hindiya?

0
291

Waa maxay Sababta ay Ilhaan Cumar u qaadacday Madaxweynaha Israel si la mid ah kan Hindiya?

Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan xisbiga dimoqaraadiga ee Maraykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay inay qaaddacayso khudbadda uu madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog u jeedin doono Koongareeska todobaadka soo socda. Arrintaas oo u muuqata mid ku dhex baahi doonta xubnaha kudladda horusocodka ee xisbigeeda.

Ilhaan Cumar oo horey looga saaray guddiga awoodda badan ee Kongereeska Mareykanka u qaabilsan arrimaha dibeda ayaa horey loogu eedeeyay yahuud neceeyb. Eedaas waxaa jeediyay madax sare oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee mareykanka Donald Trump, xubno sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, madax reer Israel ah, iyo dadka u dooda Israel. Eedahas waxaa la wadaaga gabadha kale ee Muslimta ah ee kasoo jeeda Falastiin oo ay ka wada tirsan yihiin Kongereeska Mareykanka. Waxaa labadooda lagu eedeynayaa inay u doodaan oo ay difaacaan danaha Falastiin.

“Ma jirto sabab aan uga qayb galo,” ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter, kaasoo ay ku qortay sababaha aysaan uga qayb gali doonin dhegeysiga khudbadiisa.

“Bishii hore waxaan ka hor imid casumaad loo fidiyey ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi inuu hadal u jeediyo labada aqal oo wadajira, sababtuna waxay ahayd rikoorkiisa xuquuqda aadanaha. Bishan kama qayb gali doono hadal jeedintaas oo kale oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog,” ayey Twitter ku qortay Ilhaan.Herzog ayaa sannadkii hore waxaa ku casuntay inuu 75 guurada Israa’iil ka jeediyo khudbad aqalka koongareeska, afhayeenkii xilligaas ee aqalka Nancy Pelosi. Isla casumaadaas ayuu afhayeenka hadda xilka haya Kevin McCarthy dib u cusbonaysiiyey sannadkan.

Inkastoo Herzog ay xubno badan oo dimoqradaadiaga ah u arkaan inuu yahay nin macquul ah oo in badan diiddan afkaarta Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

“Ma aha in aan martiqaadno madaxweynaha Israa’iil – xukuumad uu ra’iisul wasaaraheeda xadda xilka haya uu ka mamnuucay laba gabdhood oo muslim ah oo loo soo doortay koongareeska inay dalka booqdaan – inuu u khudbeeyo koongareeska” ayey ku tiri Ilhaan qoraalka Twitter ayadoo hoosta ka xarriiqday in gabada muslimadda ah ee ay koongareeska ku wada jiraan, Rashida Tlaib, aysan u suuro gelin inay booqato ayeeyadeed.

Ilhan iyo Tlaib ayaa laga hor istaagay inay galaan Israa’iill 2019 sabab la xiriirta inay hore u taageereen in xayiraad lagu soo rogo.

Ilhaan waxay soo xigatay Netanhayhu oo sida la sheegay bishii hore u sheegaya xubno ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Likud in Israa’iil ay doonayso inay burburiso “hammiga dal madax banaan” oo loo fasiray inuu ula jeeday falastiiniyiinta.

“Waxay ku soo aadday ayadoo xukuumadda Israa’iil ay dabada ka riixayso wax ay khubarada sharcigu ku tilmaameen inqilaab xagga garsoorka ah oo ay ku doonayso in ay awoodda meel dhexe isugu keento, ayna wiiqdo wixii lagula xisaabtami lahaa awooddeeda, taasoo keentay in ay dhacaan dibadbaxyolooga soo horjeedo xukuumadda oo ka dhacay Israa’iil oo dhan” ayey ku tiri Ilhaan qoraalkeeda, ayadoo ula jeedday dadaalki xoogga lahaa, murankana uu ka dhashay ee xukuumadda Netanyahu ku doonaysay inay wax kaga beddesho garsoorka.

“Maraykanku waa awoodaa, waana inuu xukuumadda Israa’iil u isticmaalaa saamayntiisa diblomaasiyadeed, laakin in xukuumadda hadda jirta lagu sharfo khudbad TVga laga daawanayo waxay diraysaa farriin khaldan, xilli khaldan,” ayey tiri Ilhaan.

Ilhaan iyo Rashida Tlaib oo ka wada tirsan aqalka Congareska ayaa taageeray tallaabo cunaqabateyn lagu saarayo Israa’iil balse sharciga Israa’iil ayaa ogolanayaa in tageerayasha ololahaas in laga mamnuuci karo inay booqasho ku tegi karaan Israa’iil.

Madaxweyne Trump ayaa hore ugu baaqay in labadan xildhibaan laga mamnuuco inay booqdaan Israa’iil, isla markaasna ay neceb yihiin Israa’iil iyo dadka Yuhuudda.

Ilhaan Cumar waxay ku tilmaantay tallaabada Israa’iil “Inay ku tumaneyso mabaadii’da dimuqraadiyadda, waana jawaab laga naxo in saraakiil ka tirsan dowladda in laga mamnuuco inay booqasho ku tegaan dal saaxib la ah”.

Isha: BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here