Ukraine & Ruushka oo maanta kala saxiixanaya heshiis dib u fasaxaya Dekedda Odesa.

0
267

Ukraine & Ruushka oo maanta kala saxiixanaya heshiis dib u fasaxaya Dekedda Odesa.

Turkiga waxaa maanta ka dhacaya heshiis muddo todobaad ah ay ka shaqeynayeen Qaramada Midoobay iyo xukuumadda Ankara si dib uu Ruushka ugu ogolaado in Gargaarka ku xayiran Dekedda Odesa la daabulo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa goobjoog ka noqonaya heshiiskaan oo muhiim u ah xal u helista dhibaatooyinka dhaqaale iyo gargaar la’aanta ka taagan dunida sida ay hadalka u dhigeen saraakiil Katirsan UN-ka.

Qamadiga ku xayiran Dekedda Odesa oo ah mid ay iibsatay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa haddii uu Ruushka ogolaado loo daabuli doonnaa waddamada dhibaatooyinka dhaqaale xumo & xaaladaha Bani aadamnimo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay mid astaan u ah in xal loo helo dhibaatooyinka dhanka cunnada ah ee dunida ay gashay taas oo si gaar ah usii xoogeysatay wixii ka dambeeyay Febaraayo 2022.

Turkiga oo laf-dhabar u ah fulinta heshiiskaan ayaa goob-joog ka noqonaya fulinta qodobada miiska saaran waa marka ay kala saxiixdaan Dowladaha Ruushka iyo Ukraine si marinta gargaarka looga qaadayo looga dhigo aag ka fog colaadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here