Ukraine Oo Shaacisay In Ay Soo Riday Diyaarado Dagaal Oo Uu Ruushku Leeyahay

0
100

Ukraine Oo Shaacisay In Ay Soo Riday Diyaarado Dagaal Oo Uu Ruushku Leeyahay



Ukraine Oo Shaacisay In Ay Soo Riday Diyaarado Dagaal Oo Uu Ruushku Leeyahay
December 23, 2023
SHARE0

Militariga Ukraine ayaa sheegay in Jimcihii ay soo rideen saddex diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ruushka, kuwaas oo ku sugnaa koonfurta dalkaasi.

Saddex ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Su-34 ayaa lagu soo riday gobolka Kherson, sida ay shaaciyeen ciidamada cirka ee Ukraine.

Madaxweyne Volodymr Zelensky ayaa u mahad celiyay askartii soo ridday diyaaradaha, isagoo sheegay in shilkan uu ka dhacay gobolka Kherson ee uu dagaalku ka socdo.

Moscow kama aysan hadlin sheegashadaas, laakiin kuwa wax u qora ee Ruushka lala xiriiriyo ayaa soo sheegay inuu jiro khasaare.