Turkiga Oo Gaadiid Dagaal Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliy

0
437

Turkiga Oo Gaadiid Dagaal Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliy

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Turkiga ayaa gaadiid ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo loogu tala-galay inay sigaar ah u adeegsan doonaan Ciidanka Xoogga dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay 12 gaari ay ku wareejiyeen Soomaaliya, isla markaana gaadiidkaas loogu tala-galay in loo isticmaalo safarada dhulka ee aadka u adag xiliyada Ciidanka Xoogga sameeyanayan howlgalada.

Gaadiidkaan lagu wareejiyay Dowladda ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa heshiisyo militari iyo iskaashi dhaqaale oo labada dal ah, waxaana la wareegay gaadiidka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

“Garaawiraan gaaraya 12-ka waxaa loogu tala galay in lagu isticmaalo dhulka aadka u adag, waxaana loo qorsheeyey guutada 3-aad ee Ciidamada Soomaaliyeed ee gaarka ah gorgor, kuwaasi oo Gobolada dalka ka wada howlgalo” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Dowladda Turkiga ayaa horey Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu wareejisay gaadiid kala duwan, waxaana labada dowladood ka dhexeeya heshiisyo Iskaashi oo ku saleysan dhinacyo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here