Turkiga iyo Masar oo si wadajir ah ugu baaqay in la ilaaliyo madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya

0
56

Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Turkiga ayaa magaalada Qaahira kulamo saacado badan qaatay kula yeeshay Madax sare oo ka tirsan dowladda Masar, iyada oo laga wada hadlay xaaladda Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa barteeda Facebook-ga ku sheegtay in wada-hadalladaas diiradda lagu saaray arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas, gaar ahaan xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wadahadalladan ayaa waxaa hoggaaminayay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika Ihab Cawad iyo Elif Ulgen oo ah agaasimaha guud ee bariga iyo koonfurta Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.