Trump Oo Diiday In Dadka Mareykanka Lagu Khasbo Sameynta Hal Arrin

0
413

Trump Oo Diiday In Dadka Mareykanka Lagu Khasbo Sameynta Hal Arrin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuusan shacabka reer Mareykan ku amri doonin iney xirtaan maaskarada ama af-xirka looga hortago faafifadda fayraska corona.

Hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxa Cudurada Faafafa ee dalka Dr Anthony Fauci,uu madaxda dowladda iyo kuwa gobollada ku booriyay iney shacabka ku khasbaan xirashada maaskarada.

Dr Fauci ayaa intaasi ku daray iney aad muhim u tahay xirashada maaskarada wajiga ayna khasab tahay in qofkastaa uu isticmaalo. Dalka Mareykanka waxaa aad loo siyaasadeeyay xirashada maaskaraatiga wajiga.

Madaxweyne Trump oo mar sii horeysay gaashaanka u daruuray xirashada maaskarada ayaa markii ugu horeysay Sabtidii la soo dhaafay xirtay maaskarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here