Trump iyo hogaamiyeyaasha Dimuqraaddiga oo isku afdhaafay Aqalka Cad

0
673

Trump iyo hogaamiyeyaasha Dimuqraaddiga oo isku afdhaafay Aqalka Cad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowr jeer ku cel celiyay hanjabaad uu ku sheegayay inuu xannibi doono shaqada dowladda, haddii dhaqaale ku filan la siin waayo mashruuciisa sugidda amniga xuduudda, ka dib markii uu muran la xiriira miisaaniyadda dhex maray isaga iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga.

Intii uu socday murankaas oo hadallo kul kulul ay isku weydaarsadeen madaxweyne Trump iyo labada siyaasi ee kala ah Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer, ayuu madaxweynaha sheegay inuu ku faraxsanaan doono xannibaadda howlagha dowladda ee uu u sameyn doono amniga xuduudda awgiis.

Nancy Pelosi ayaa ah haweeneyda ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga ee hoggaamisa tirada laga badan yahay ee aqalka Koongareeska, in kastoo doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ay xisbigeeda kula wareegeen aqlabiyadda aqalkaas.

Mr Schumer oo isagana ka tirsan isla xisbiga Dimuqraadiga ayaa ah hoggaamiyaha tirada laga badanyahay ee aqalka odayaasha ee Senete-ka.

Kulan Aqalka Cad ka dhacay oo uu Trump ku qaabilay labadan siyaasi ayaa waxaa hareeyay dood iyo is afdhaaf ka dhashay hadallo ay isku celceliyeen hoggaamiyeyaasha.

Shirkaas oo ay saxaafadda tabinayeen ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, inkastoo uusan hadlin inta la murmayay.

Haddii xildhibaannada labada aqal ee Mareykanka ay isku waafaqi waayaan miisaaniyadda federaalka, waxaa dabayaaqada isbuuca dambe go’i doona dhaqaalaha loogu tala galay qeybo ka mid ah waaxyaha dowladda.

Mr Trump ayaa codsaday in miisaaniyadda lagu daro lacag dhan 5 bilyan oo doolar oo loo qoondeeyo amaanka xuduudda.

Balse Senator Schumer iyo marwo Pelosi ayaa sheegay iney isku afgarteen kordhinta dhaqaalaha loogu tala galay ammaanka gudaha oo lagu darayo lacag dhan 1.3 bilyan oo doolar, taasoo socon doonta ilaa 30-ka bisha Siteembar ee sannadka 2019-ka.

Hadallo kul kulul ayey is weydaarsadeen Trump iyo hoggaamiyeyaasha Dimuqraaddiga
Image captionHadallo kul kulul ayey is weydaarsadeen Trump iyo hoggaamiyeyaasha Dimuqraaddiga

Madaxweyne Trump oo furay kulanka uu xafiiskiisa kula qaatay siyaasiyiintan ayaa hadalka ku billaabay inuu aad ugu faraxsanyahay la kulankooda, oo ah kii ugu horreeyay ee qabsooma tan iyo markii ay Dimuqraaddigu kula wareegeen aqlabiyadda Koongareeska doorashadii xilliga dhexe ee dhacday bishii Nofeembar.

Hase ahaatee, kulanka ayaa isku baddalay mid muran ah ka dib markii ay Mrs Pelosi iyo Mr Schumer ku doodeen iney aqalka Koongareeska ku meel marin doonaan sharci, ka hor inta uusan 21-ka bishan Diseembar wakhtiga ka dhicin dhaqaalaha loo qoondeeyay qeybo ka mid ah hay’adaha dowladda.

“Haddii aannaan helin waxa aan dooneyno, dhankey ahaataba, ama idinka ha idinku xirnaato ama milatariga ama cid kastaba ha ahaatee, waxaan xannibi doonaa howlaha dowladda”, ayuu yiri Mr Trump.

“Waan ku faraxsanaan doonaa inaan shaqada dowladda u xannibo amaanka xuduudda dartiis. Go’aankaas ayaan qaadanayaa. Aniga ayaana noqonaya qofka howsha dowladda joojin doona”.

Wakhtigu wuu is gurayaa…

Falanqeyn uu sameeyay wariyaha BBC-da Anthony Zurcher, oo ku sugan Magaalada Washington

Donald Trump wuxuu furay shirkiisa ay saxaafadda goob joogga ka ahaayeen ee uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Dimuqraaddiga ee kala ah Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer, iyadoo markii hore ay xaaladdu fiicneyd, shirkuna uu ku billowday wada hadal ay sameynayeen madaxda labada xisbi ee ugu waaweyn.

Laakiin wanaagga ma uusan sii daba dheeraanin.

Labada siyaasi ee ka socday Dimuqraaddiga iyo madaxweynaha waxay isku maan dhaafeen dhaqaalaha uu Mr Trump u raadinayo mashruuciisa ku saabsan dhismaha darbiga laga sameynayo xadka uu Mareykanka la wadaago Mexico.

Nancy Pelosi waxaa lagu wadaa in dhawaan ay noqoto af hayeenka qalka Hoose ee Koongareeska Mareykanka.

Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu mashruuciisa darbiga dhaqaale u helo, si kastoo ay ahaatoba. Arrintaas wuu u soo ol’oleeyay. Wuu soo ballan qaaday. In kastoo aysan Mexico xilligaan diyaar u ahayn iney lacag ku bixisana, wuxuu Trump isagu doonayaa in hadda lagu dhaqaaqo.

Dhanka kale, xisbiga Dimuqraaddigu ma doonayaan iney wax guul ah siiyaan madaxweynaha. Taas waxaa sii dheer, waxay damacsanyihiin iney madaxweynaha dusha ka saaraan eedda ku saabsan haddii howlaha dowladda la xannibo.

Dhammaadkii kulanka, siyaasiyiinta Dimuqraaddigu waxay madaxweynaha ka heleen hadalkii ay ka raadinayeen. Wuxuu sheegay in uu howlaha dowladda joojin doono “haddii ay heli waayaan waxa ay rabaan”. Taasna “uu ku faraxsanaan doono”.

Siyaasiyiinta Dimqyraaddigu waxay hadda isku dayi doonaan in madaxweynuhu uu ka qoomameeyo erayadaas.

Dhanka kale Mr Trump, wuxuu aaminsanyahay in shacabka ama xitaaa ugu yaraan taageerayaashiisa ay ku raacsanyihiin dagaalkan.

Haddii labada dhinac midkoodna uu libiqsan waayo, isbuucyo kooban gudahood waxaan ku ogaan doonnaa midkooda saxan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here