Tiro dad ah oo ku dhintay qarax lala beegsaday isbitaal ku yaal Afqanistaan

0
490

Tiro dad ah oo ku dhintay qarax lala beegsaday isbitaal ku yaal Afqanistaan

  1. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay markii baabuur xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee isbitaal ku yaal koonfurta dalka Afqanistaan.

    Qaraxa ka dhacay magaalada Qalat dadkii ku dhintay waxay ahaayeen dhaqaatiir iyo bukaanno, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Ururka Taalibaan ayaa sheegay inay bartilmaameedsanayeen saraakiil sirddoon ah oo ka tirsan dowladda Afqanistaan oo ku sugnaa guri u dhaw isbitaalka.

    Ururkan ayaa inta badan weeraro ka fuliya gudaha Afqanistaan inkasta oo ay socdaan wadahadallo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

    Talaadadii, Taalibaan waxay weerar ku qaaday isu soo bax siyaasadeed oo la filayay in uu ka hadlo madaxweyne Ashraf Ghani, waxaana qaraxaas ku dhintay ugu yaraan 26 qof.

    .

    Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 19-ka bisha September sannadka 2019-ka.

    Xigasho : bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here