Tirinta codadka doorashada Somaliland oo weli socota iyo wararkii u dambeeyay

0
64

Tirinta codadka doorashada Somaliland oo weli socota iyo wararkii u dambeeyay

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xaqiijiyay in ay weli wadaan tirinta codadka doorashadii shalay ka dhacday deegaannada maamulkaasi.

Guddoomiyaha guddiga doorashada, Muuse Xasan Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan goobaha codbixinta ay ka socoto tirinta, natiijadana ay la soo wadaagi doonaan Bulshada.

Sidoo kale, waxaa uu digniin u diray dad uu ku tilmaamay in ay ka shaqeynayaan faafinta warar been abuur ah oo keeni kara khalkhal bulshada ah.

“Siyaasiyiinta iyo dadka kale, doorasho wanaagsan baa inoo qabsoontay halaga daayo wararka been abuurka ah, xeerarka waxaa ay noo ogolyihiin in aan tillaabo qaadno” ayuu yiri Muuse Xasan Xaaji.

Musharrixiinta madaxweynaha ee loolanka adag ka dhaxeeyo ayaa kala ah Muuse Biixi oo ka socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo ka socda Xisbiga Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda Xisbiga UCID.

Natiijada doorashada Somaliland ayaa la wada sugayaa, iyada oo dadka ay la socdaan warbaahinta si ay u ogaadaan madaxweynaha xiga ee Somaliland.

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco dalmarnews