Thomas Tuchel & Xiriirka FA oo ku heshiiyay in uu hoggaamiyo Xulka Qaranka Ingiriiska

0
37

Thomas Tuchel & Xiriirka FA oo ku heshiiyay in uu hoggaamiyo Xulka Qaranka Ingiriiska

Sida ay sheegayaan warbixinnada laga helayo Magaalada London ee Xarunta Dalka UK waxaa heshiis gaaray Macallinka u dhashay Dalka Jarmalka Thomas Tuchel iyo xiriirka Ciyaaraha Ingiriiska FA si uu u noqdo macallinka Xulka Qaranka Dalkaas.

Heshiis billaabanaya billowga sanadka soo socda 2025 kuna siman July sanadka xiga 2026 ayay wada galeen Tuchel & FA sida ay ku warrantay Warbaahinta ka faaloota cayaaraha ee fadhigoodu yahay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Is afgaradka waxaa kamid ah in haddii Macallinkaan u dhashay Dalka Jarmalka ee Thomas Tuchel uu hoggaan wanaagsan iyo qaab ciyaareed qurux badan la yimaado in waqtiga loo dheereyn doonno si uu u helo fursado oo dheeraad ah.

Gareth Southgate ayaa banneeyay shaqada xulka Ingiriiska kaddib markii uu sheegay in uu u baahan yahay nasasho waqti ku filan, waxaa si ku sime ah loogu dhiibay Lee Carsley oo ah macallinkii xulka saddexda libaax ee UK ee da’doodu ka yar tahay 21ka sano.

Warbixinnada ayaa muujinaya in Xiriirka Ingiriiska ay shaqadaan hordhigeen Macallinka Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester City Pep Guardiola balse uu ka diiday in uu shaqadaas qabto, laakiin waxaa heshiiskaan ogolaaday Tuchel.

Sababta macallinkaan loogu doortay waa in uu leeyahay waaya-aragnimo ku filan, Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ayuu tababare u ahaa intuu u dhaxeysay Janaayo 2021 ilaa Sebteembar 2022, waxa uu kula guuleystay muddadaas kooban Champions League, Fifa Club World Cup & Uefa Super Cup.

Thomas Tuchel, waxa uu dhowaan ku dhawaaday in uu macallin u noqdo Kooxda Kubadda Cagta Manchester United oo waqti madow majaha kula jirta si uu naadigaan uga badbaadiyo haadaanta uu kusii tuurayo Macallinkeeda Erik Ten hag.