Talyaaniga oo xaqiijiyay in ay dhinteen Tahriibayaal la socday Doon ku Degtay Jasiiradda Lampedusa.

0
148

Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijisay geerida ugu yaraan 41 ruux oo ah Tahriibayaal la socday doon kasoo tegtay Xeebaha Dalka Tunuusiya ee Waqooyiga Qaaradda Afrika si dadkaan la socday ay u gaca-dhigtaan Jasiiradda Lampedusa.

Wakaaladda Wararka u faafisa Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay in dadkaan la socday doonta la badbaadiyay in kooban oo kamid ah kuwaas oo laga helay xogta tiradooda, goobta ay kasoo safreen iyo halka ay u socdeen.

4 qof oo ka badbaaday doonta degtay ayaa u kala dhashay waddamada Ivory Coast iyo Guinea sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Roma oo xogtaan la wadaagay Wakaaladda Wararka Dalkaas ee ANSA.

Tiradaan waxa ay sii kordhisay Liiska tahriibayaasha la diiwaangeliyay sanadkaan 2023 oo sare u kac weyn laga dareemayo marka la barbardhigo sanadkii hore, sababta waxaa lagu sheegay in ay tahay in kordheen xeebaha laga tahriibiyo Dadka.

Hay’adaha socdaalka Adduunka IOM & Tan Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa soo jeediyay in Waqooyiga Qaaradda Afrika laga sameeyo dedaal xooggan oo tahriibayaasha looga hortagayo si loo xakameeyo qulqulka halista nafeed wata.

Waddamada ugu badan ee Dadkaan ka Tahriibaan waxaa ka socda howlgallo xooggan oo ay wadaan Ciidamada ammaanka balse ma baajin in doomaha qaar lagu qaado toboneeyo ruux oo si aan xasilooneen in kooban oo kamid ah ay ku gaareen Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here