Taiwan oo sheegtay in Shiinaha dhaqdaaqyo ka wado hawada iyo badda Jasiiradaasi

0
27

Taiwan oo sheegtay in Shiinaha dhaqdaaqyo ka wado hawada iyo badda Jasiiradaasi

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay 34 diyaaradood oo dagaal iyo 6 markab oo dagaal oo laga leeyahay Shiinaha oo ku sugnaa agagaarka jasiiradda Taiwan muddo 24 saacadood gudahood ah.

 

Taiwan waxay sheegtay in qaar ka mid ah diyaaradahaasi ay ka gudbeen xadka badweynta Taiwan, taas oo ah xuduud aan rasmi ahayn oo u dhaxeysa Shiinaha iyo Jaziiradaasi.

 

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo xiisad siyaasadeed iyo milatari ay ka dhex taagan tahay Shiinaha iyo Taiwan, iyadoo Beijing ay Taiwan u aragto in ay tahay qeyb ka mid ah dhulkeeda, inkastoo Taiwan ay tahay jasiirad madax-bannaan oo leh maamul iyo nidaam gaar ah.

 

Taiwan ayaa sheegtay in ciidamadeeda difaaca ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Shiinaha isla markaana ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan haddii loo baahdo.