Taiwan Oo Markii Ugu Horreysay Rasaas Ku Ridday Diyaaradaha Drones-Ka Ee Shiinaha

0
328

Taiwan Oo Markii Ugu Horreysay Rasaas Ku Ridday Diyaaradaha Drones-Ka Ee Shiinaha

Militeriga Taiwan ayaa markii ugu horreysay rasaas digniin ah u furay si ay dib ugu celiyaan diyaaradaha uusan duuliyaha saarnayn ee Shiinaha, kuwaasoo duullimaadyo ka sameynayay hawada jasiiradaheeda duleedka ah ee ku dhow Shiinaha.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo nooca drones-ka ah lagu khasbay in ay dib ugu duulaan dhinaca dhul-weynaha Shiinaha.

Xukuumadda Taipei ayaa isbuucyadii la soo dhaafay ka cabaneysay diyaaradaha drones-ka Shiinaha ee ku duulayay agagaarka jasiiradaheeda ku dhow Shiinaha, xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa labada dhinac.

Xiisadda ayaa weli kacsan wixii ka dambeeyay markii ay horraantii bishan Taiwan booqatay siyaasiyadda Mareykanka ah ee lagu magacaabo Nancy Pelosi, oo ah afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here