Taiwan Oo Caro Darteed Dhagxaan U Adeegsatay Diyaarad Uu Shiinaha Leeyahay

0
387

Taiwan Oo Caro Darteed Dhagxaan U Adeegsatay Diyaarad Uu Shiinaha Leeyahay

Taiwan ayaa sheegtay in ay bilaabayso in ay daabusho hab-difaaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee jasiiradeeheeda dhaca xeebaha, kadib markii la soo bandhigay muuqaalo muujinaya askarta Taiwan oo dhagxaan ku tuuraya diyaarad uu Shiinaha leeyahay oo dul heehaabaysay meel u dhaw mid ka mid ah xarumaha ay ilaalada ka tahay Taiwan.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in nidaamyada marka hore la dhigi doono jasiiradaha yaryar.

Taiwan ayaa ka cabatay duullaanka soo noqnoqday ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu ku soo qaadeen meel u dhow jasiiradaheeda, taas oo qayb ka ah dhoolatuska iyo cagajuleynta Shiinaha ka dib booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ee Taiwan taas oo shiinaha ka careysiisay waxayna tallaabadaas sii xumeysay xiriirka Washington iyo Beijing.

Maamulka Taiwan ayaa bilowgii bishan Ogosto ku eedeeyay Shiinaha inuu u biro tumanayo dagaal toos ah oo ka dhan ah jasiiradda, iyadoo dhowaanahan uu dhoolatus milateri ka waday marin-biyoodka Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here