Tahriibayaal lagu waayay Xeebaha Jamhuuriyadda Yemen.

0
94

Tahriibayaal lagu waayay Xeebaha Jamhuuriyadda Yemen.

Daraasiin Tahriibayaal ah ayaa lagu waayay Xeebaha Dalka Yemen kaddib markii doon ay la socdeen ay ku rogmatay xeebaha Dalkaas gaar ahaan Magaalada Xeebta leh ee Al-Makha sida ay sheegeen saraakiil katirsan ciidanka Ilaalada Waddankaas.

Khaalid Al-Subeyxi oo ah sarkaal katirsan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Yemen ee ku sugan Magaalada Xeebta leh ee Al-Makhaa ayaa sheegay in doontaan oo ay la socdeen 75 tahriibe ay degtay waxaana la badbaadiyay 49 kamid ah dadkaas.

Sarkaalkaan oo la hadlay Wakaaladda Wararka AP ayaa u sheegay in dhacdadaan ay dhacday Axaddii 12ka Nofeembar 2023 halka Isniintii la helay qaar kamid Dadka doonta la socday waxaana ilaa haatan socda baadigoobka Dadka la waayay.

Sarkaal kale oo katirsan ciidamada Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa Dhankiisa Wakaaladda Wararka SABA u sheegay in sababta doonta gedisay ay tahay dabaylo xooggan oo naaquuduhu xakameyn waayay in uu jiheeyo doonta.

Mas’uuliyiinta Dalka Yemen ma sheegin waddamada ay kasoo jeedaan Tahriibayaashaan marka la reebo in ay kusoo koobeen in ay kasoo safreen Qaaradda Afrika balse shaacinta jinsiyaddooda dib kasoo sheegi doonnaan marka gurmadka ay soo gabagabeeyaan.

Tahriibayaasha ayaa loo badinayaa in ay kasoo kala jeedaan Waddamada Itoobiya, Eretareeya, Soomaaliya iyo Dalal kale oo dhibaatooyin ay ka jiraan, Magangalyo doonka ayaa marka la weydiiyo sababta ay naftooda halista u geliyaan waxa ay ku doodaan in ay raadsanayaan nolol uga wanaagsan tan dalkooda ka jirta.

La soco wixii kasoo kordha.