Soomaaliya oo awoodda Militari ka sare martay waddan Dhaca Yurub oo Xubin ka ah NATO.

0
285

Soomaaliya oo awoodda Militari ka sare martay waddan Dhaca Yurub oo Xubin ka ah NATO.

Warbixin sanadle ah oo uu soosaaray Wargeyska Global Fire Power ee soo bandhiga Awoodda Militari ee Waddamada Caalamka ayaa muujisay 2022 Soomaaliya ay ka sare martay Dalka Iceland ee Yurub dhaca kana tirsan Isbaheysiga NATO.

Soomaaliya Waxa ay booska qiimeynta kasoo gashay 139, halka Iceland ay soo tiigsatay kaalinta 142aad, Warbixintaan oo dhinacyo kala duwan laga qiimeeyay ayaa soo jiidatay indho badan oo muddo fog la socday qiimeynta waddamada ee dhanka awoodda Ciidanka.

Iceland oo heysata Ciidan dhisan, miisaaniyad wanaagsan loo helo, hub, Gaadiid iyo Diyaarado ayaa soo tiigsatay 2022 booska ugu dambeeya oo waxa ay kasii hoos martay Soomaaliya 139 ah, Kosovo 140aad soo gashay & Bhutan oo booska 141aad tiigsatay.

Billawgii 2022, Soomaaliya waxa ay gashay Booska la geeyay Iceland, Ciidanka Joogtada loo heli karo ee Iceland waa 48,070 (Afartan & siddeed kun iyo todobaatan askari), dhammaan waxaa shacabka laga heli karaa 81,474 (Siddeetan & kow kun, afar boqol, todobaatan & Afar), sanad weliba waxaa da’da Ciidanka soo gaara 1779 (Kun, todobo boqol, todobaatan & sagaal) sida lagu muujiyay xogta Global Fire Power.

Iceland oo leh difaaca Hawada, Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Booliiska & askarta kale ayay Dowladdu ka gaabiyay in ay dhisto Ciidamada Militariga tan iyo 1869kii xili uu xubin ka yahay Isbaheysiga NATO.

Ciidanka Soomaaliya waxaa ku baxa Miisaaniyad gaareysa $63,934,000 (Lexdan & saddex Milyan, sagaal boqol, soddon & afar kun oo dollar), qayb kamid ah dhaqaalahaas oo ah $30,450,000 (Soddon Milyan, afar & konton kun oo dollar) waa kaalmo dibadda ka timid.

Soomaaliya waxa ay booska 136aad kasoo gashay 140ka Dal ee lagu qiimeeyo awoodda Militari, waxaana tirada Shacabka Soomaaliyeed lagu qiyaasay 12,094,640 (Toban & labo milyan, sagaashan & afar kun, lex boqol iyo afar), Tirada Dadka ku biiraya ciidanku waa 2,781,767 (Labo Milyan, todobo boqol, siddeetan & kow kun, todobo boqol, lexdan & todobo ruux oo Shacab ah) oo u taagay 23% sida lagu sheegay qiimeynta Wargeysa.

Soomaaliya waxa ay heli kartaa in si buuxda ugu mid noqdaan Ciidanka 1,669,060 (Hal Milyan, lex boqol, lexdan & sagaal kun iyo lexdan qof), Dadka ku biiraya Ciidamada ee sanadkii waxa ay gaarayaan 120,946 (Boqol iyo laaban kun, sagaal boqol, afartan & lex ruux), Askarta guud ee Soomaaliya waxa uu Wargeyska Global Fire Power ku qiyaasay 17,500 (Toban & todobo kun iyo shan boqol oo askari).

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Ciidan Soomaali ah oo tababaranaya

Soomaaliya waxay leedahay

Sanadkan waxa uu wargeyska xusay in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan. Balse waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedhaay 65 gawaadhida gaashaaman ah.

Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya.

Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl.

Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here