Soomaali lagu dilay Xadka u dhaxeeya Itoobiya & Kenya
Ugu yaraan siddeed qof oo rayid ah oo Soomaali ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa lagu dilay weerar ka dhacay koofurta Itoobiya gaar ahaan meel u dhow xuduudda Kenya.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka, Weerarkaan ayaa shalay ka dhacay deegaanka Malkamari ee gobolka Dawa, halkaas oo maleeshiyaadka weerarka fuliyay ay beegsadeen Dadkaan rayidma ah iyaga oo ugu dambayn baxsaday sida xogaha la helayo ay sheegayaan.
Dadka la dilau ayaa ahaa xoolo dhaqato waxaana marqura rasaas xooggan oo gaarsiisay dhimasho iyo dhaawac ku furay maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku duullay deegaankooda sida ay ku warrameen ilo deegaankaas ku sugan oo xogtaan laga soo xigtay.
Sida xogaha horadhaca ah ay tilmaamayaan Dadka la dilay iyo kuwa wax dilay ayaa ah Soomaali kale inkasta oo aan la shaacinta ujeedka ka dambaysa beegsigaas ay ku sameeyeen Soomaalida kale wallow ay jiraan dilal la xiriira aanooyinka oo deegaannada qaar horay uga dhacay.
























