Friday, November 13, 2026
Home WARAR Sacuudiga oo Soomaaliya u qoondeeyay 11,500 kursi oo Xajka 2027 ah

Sacuudiga oo Soomaaliya u qoondeeyay 11,500 kursi oo Xajka 2027 ah

0
18

Sacuudiga oo Soomaaliya u qoondeeyay 11,500 kursi oo Xajka 2027 ah

Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya u qoondeysay 11,500 oo boos oo Xajka ah, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u gutaan waajibaadka Xajka sannadka 2027, kaddib heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood.

Heshiiska ayaa magaalada Jeddah ku kala saxiixday Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, Dr. Tawfiiq bin Fawzaan Al-Rabiah.

Qoondadan ayaa ah tirada rasmiga ah ee xujeyda Soomaaliyeed loo oggolaaday inay ka qeyb galaan Xajka sannadka 1448-da Hijriga, oo ku beegan 2027-ka, iyadoo qeyb ka ah heshiisyada sannadlaha ah ee Sacuudigu la galo dalalka Islaamka.

Heshiiska ayaa sidoo kale qeyb ka ah diyaar-garowga hore ee maamulka Xajka, kaas oo lagu nidaaminayo tirada xujeyda dal kasta, habraacyada safarka iyo adeegyada loo diyaarinayo dadka gudanaya waajibaadka Xajka.

Waxaa la filayaa in Wasaaradda Awqaafta Soomaaliya ay bilowdo tallaabooyinka la xiriira diiwaangelinta xujeyda, xulashadooda iyo qabanqaabada safarka, iyadoo la raacayo shuruudaha iyo habraacyada lagu heshiiyay.

SomaliaSecurity Analysis

Soomaaliya ayaa sidaas ku xaqiijisay qoondadeeda 11,500 oo xujaaj ah xilliga Xajka 2027.