Somaliland oo hal shardi oo adag ku xirtay Itoobiya kahor dhaqan-galka heshiiskii ay gaareen

0
75

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis muran badan iyo carro dhaliyay kuwada gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Heshiiska labada dhinac gaareen ayaa dhigayay in  Somaliland Itoobiya ku wareejiyo 20-KM oo kamid ah biyaha Soomaaliya , halka Itoobiya dhankeedana laga doonayo in  Somaliland u aqoonsato dowlad rasmi ah.

Wasiirka arrimaha dibedda  Somaliland, Ciise Kayd oo la hadlay wargeysa The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in heshiiska ay la galeen Itoobiya hir-gelintiisu ku xiran yahay ku xiran yahay dhankooda.

Waxa uu sheegay wasiirka in heshiiska ay la galeen Ra’isul Wasaare Abiy Axmed uusan dhaqan-geli doonin ilaa Itoobiya ay ka aqoonsanayso Somaliland, waxa uuna xusay in dhankooda fulin doonaan heshiiska marka la aqoonsado.

‘Heshiiska waxa uu dhaqan-geli doonaan marka Itoobiya horta na aqoonsato ,Itoobiya waxay u baahantahay bad, annagana waxaan dooneynaa aqoonsi’, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay heshiis beenaadka Adis Ababa lagu saxiixay, waxaa sidoo kale heshiiskaasi kahor-yimid qaar kamid ah waddamada Caalamka oo Itoobiya ku eedeyay xad-gud ka dhan ah Qarannimada Soomaaliya.