Somaliland Iyo Itoobiya Oo Hargeisa Ku Shiray

0
631

Somaliland Iyo Itoobiya Oo Hargeisa Ku Shiray

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo halkaas socdaal ku gaaray.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka Somaliland iyo Somaliland, sidii loo xoolin lahaa sugida amniga xuduuda labada dhinac.

Kulankaas ayaa Itoobiya waxaa uga qayb galay hogaanka Nabadgalyada dowlad deegaanka Soomaalida Dr Xuseen Xaashi Qaasim, Taliyaha guud ee Ciidanka Xooga gaarka ah ee Liyuu Booliska, Wasirka Xafiiska Waraabka DDS iyo Taliye kuxigenka Ciidanka Difaaca Qaranka Bariga Itoobiya.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in kulankii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu kusoo dhamaaday Is af-garad buuxa, waxaana kulankaas qeyb ka ahaa Taliyayaasha Ciidamada kala duwa ee Somaliland iyo Wasiirka Gaashandhiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here