SOMALILAND : Dabley hubaysan oo xalay weerar ku qaaday Taliska qaybta Booliska Magaalada

0
596

SOMALILAND : Dabley hubaysan oo xalay weerar ku qaaday Taliska qaybta Booliska Magaalada

Wararka ka imanaya Magaalada laasacaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay weerar ku qaadday Saldhigga Booliska ee Magaaladaas.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaas oo dhacay xalay saqdii dhexe, Ciidamada Booliska ee ku sugan saldhigga ayaa is difaacay iyada oo rasaas la is weydaarsaday muddo kooban.

Dadka Magaalada Laasacaanood ayaa bilihii la soo dhaafay habeennada qaar hurdada ka salalayay kaddib markii ay weerarro dhowr ah ka dhaceen Saldhigga magaaladaas.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuuliyadda weerarka ka dhacay Magaalada Lasacaanood, hayeeshee dhowr jeer oo hore Maamulka Puntland ayaa sheegtay in Ciidamo taabacsan ay weerar ka fuliyeen Laasacaanood.

Somaliland ayaa dhowr iyo toban sano ka hor Magaalada Laasacaanood kala wareegtay Maamulka Puntland, waxaana magaalada ka jira Maamul hoostaga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here