Siyaasi Cali Khaliif Oo Hargeysa In Uu Si Kama Dambeys Ah Madaxweyne Biixi Afkiisa Uga Qaado In Uu Heshiiskii Khaatumo Fulinayo Iyo In Kale

0
706

Siyaasi Cali Khaliif Oo Hargeysa In Uu Si Kama Dambeys Ah Madaxweyne Biixi Afkiisa Uga Qaado In Uu Heshiiskii Khaatumo Fulinayo Iyo In Kale

Siyaasiga weyn ee Cali Khaliif Galeydh oo muddooyinki dambe ku sugnaa dalka Mareykanka, ayaa la sheegay in toddobaadada soo socda uu dib ugu soo wajahan yahay dalka isla mar ahaantaana ujeedka socdaalkisu uu daaran yahay in Madaxweyne Biixi uu kala dooran siiyo in uu aqbalo heshiiskii Khaatumo iyo in kale oo muddooyinkii dambe u muuqdey mid dabac badani uu ka jiro isla mar ahaantaana si aada Xukuumadda looggu dhaliilo in ay ka gaabisay fulinta heshiiskii kal hore ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo.

Wargeyska Waaberi oo muddooyinkii dambe isha ku hayey dhaq-dhaqaaqa heshiiskii Khaatumo, ayaa loo xaqiijiyey in Cali Khaliif Galeydh uu toddobaadka soo socda dib ugu soo guryo-noqonaayo magaalada Hargeysa isla mar ahaantaaa uu kulamo gar-naqsi ah la qaadan doono Madaxweynaha Somaliland oo ay isku wajahi doonaan sida oo kale na wada falan-qeyn doonaan in Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay fulinta heshiiskii Khaatumo iyo in kale, waxaana ay wararku tilmaameen in la sheegay in Cali Khaliif uu si aada ugu dhaarsan yahay in haddii aanu helin wax midho dhal ah oo ka soo baxa shirkaasi uu dib ugu noqon doono deegaankiisii Khaatumo oo aan la garaneyn dhaq-dhaqaaqyada uu ka sameyn doono.

Cali Khaliif Galeydh, ayaa la filayaa in socdaalkiisa Hargeysa ay ku wehelin doonaan Madaxda Khaatumo isla mar ahaantaana uu dawladda ka sugaayo fulinta heshiiskii hore u dhex-maray Somaliland iyo Maamulka Khaatumo.

Dhinaca kale, Siyaasi Cali Cantar oo ka mid ah Madaxda Xisbiga WADDANI, ayaa Xukuumadda ugu baaqey in ay u dhug yeelato imaanshiyaha Cali Khaliif ee magaalada Hargeysa, waxaana uu xaqiijiyey in dooda Cali Khaliif u socdaa tahay uun heshiiskii Khaatumo.

“Cali Khaliif waa uu imanayaa, waana uu soo socdaa, Madaxweynahii Khaatumo waa uu soo socdaa, waxaana uu u soo socdaa halkan Somaliland, arrinka uu doonaayo in uu qaadaana waxa weeye in uu afka Madaxweynaha ka qaado in wixii uu Madaxweynahu oggolaado ama uu diido Muuse Biixi Cabdi ayuu u imanayaa, markaa waxa weeye arrintaa in la soo dhaweeyo oo dulqaad fara badan la sameeyo weeye. Siyaasaddu na waxa ay ku jirtaa meel adag oo cidhiidhi ah, raganimadu na waxa ay ku jirtaa meel cidhiidhi ah, markaa Muuse waxba yaanuu diidin ee waa in uu liqaa oo uu qaataa, waayo sababtoo ah markii Siilaanyo saxeexayey Muuse isagaa la qaatay oo dawlad baa la saxeexatay, markaa haddaan si caadi ah u idhaahdo anigu nin kasta oo Dhul-bahante ah meel kasta oo uu joogo, wuxu yahay Khaatumo oo ama Puntland ha joogo ama Somaliland ha joogo ama meel walba ha joogee.”.Ayuu yidhi Siyaasi Cali Cantar

Siyaasi Cantar, waxa uu Xukuumadda Biixi ku dhaliilay in ay iyadu hor tagan tahay heshiiskaasi isla mar ahaantaana uu ka fuli la’ yahay dhinaceeda, isaga oo aad carabka ugu adkeeyey in haddii heshiiskaasi uu fuli waayo ay horseedi karto in dhibbaato kale ka soo korodho deegaanada Khaatumo, waxaana uu yidhi:-

“Arrintaa fulinteeda ayaa loo baahnaa in maanta ay dawladda Muuse Biixi fuliso, waxa ay noqoneysaa arrin kale oo dalka ku dhacda oo sheegaysa in aan weli dalkii wada soconin, markaa waxa weeye dee Khaatumo iyo Somaliland waxa ay ahaayeen laba maamul oo jira waana la isla qaatey oo sidaas baa heshiska ay isla garteen dawladdii Muuse ka horreysay, waxaana ay ahayd in Muuse uu arrintaas qaato oo ay sida ay tahay uu u qaato laakiin xum-xum baa jirta oo Cali Khaliif na waa uu hadlay oo maalintii ugu dambeysay golahiisii Baarlamaanka ee Khaatumo waxa uu iskugu keenay Laascaanood, deed na way shireen, waxaana uu u sheegay in dagaalka xittaa halkaa ka socda Tukaraq aan waxba loogga sheegin, wixii uu wadey na in weli uu Madaxweynahu hor taagan yahay oo aanay dhammaanin, markaa waxa aanu odhan lahayn si arrimaha dalku u soo af-jarmaan oo ay u noqoto wadaag dee Khaatumo State iyaga oo wadaag ah baa wax la la qaatay e’ waa in Khaatumo uu Madaxweynahu dhammeeyo hawsheeda.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here