Sirdoonka Israa’iil oo basaasay Ra’isul Wasaare Giorgia Meloni iyo xubno kale

0
53

Sirdoonka Israa’iil oo basaasay Ra’isul Wasaare Giorgia Meloni iyo xubno kale

Hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa lagu eedeynaya inay basaastay Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni iyo xubno ku dhow oo ka tirsan xafiiskeeda, iyadoo Mossad ay adeegsanayso shirkad gaar ah waxaa la sheegay inay sidoo kale u dhacday xogta wasaaradda arrimaha gudaha Talyaaniga — warbaahinta Talyaaniga ayaa howlgalkan ugu yeeray ‘shirqool’.

Warbixintan oo uu baahiyay wargeyska Israa’iil ka soo baxaya ee Yedioth Ahronoth, ayaa lagu sheegay in afar qof loo xiray howlgalka sirdoonka ee Mossad ay ku basaastay hoggaanka sare ee dawladda Talyaaniga, waxaa laga soo xigtay in Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ay si adag uga carootay shirqoolkan, iyadoo ku sheegtay mid ka dhan ah madax bannaanida iyo dimuqraadiyadda,halka wasiirka difaaca Talyaaniga, Guido Crosetto uu ku boorriyay baarlammaanka in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo sirta qaranka ee suurtagalka ah in la jabsaday.

Mossad ayaa u muuqata inay dhistay shirkad gaar ah oo la isugu keenay saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka Talyaaniga iyo kuwa hore oo ka tirsanaa hay’adahaa iyo ciidanka, kuwaasoo la sheegay inay mararka qaar baad ka qaadi jireen saraakiisha ay basaaseen , halka ay Mossad u gudbinayeen xogta u baahantahay.

Mossad ayaa aad loogu dhaleeceeyaa inay si weyn u basaasaan oo ay u dhacaan xafiisyada madaxda sare ee dunidda oo ay ku jiraan; madaxweynayaasha, Ra’iisul wasaarayaasha , Amiirada , boqorada iyo hoggaamiyayaasha sare ee caalamka .

Bil ka hor Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska , Boris Johnson uu sheegay mar uu xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Netanyahu inta uu ahaa xog-hayaha arrimaha dibadda UK, in laga helay musqushiisa qalab lagu dhageysto codka oo uu ku xiray Netanyahu..!