SIR LA HELAY : Dowladda Federaalka Somaaliya oo La Sheegay in Ay ku guuleysatay Iyadu Joojinta dhismaha saldhigii Militari ee Imaaraadka ka dhisayay Berbera

0
1235

SIR LA HELAY : Dowladda Federaalka Somaaliya oo La Sheegay in Ay ku guuleysatay Iyadu Joojinta dhismaha saldhigii Militari ee Imaaraadka ka dhisayay Berbera

Imaaraadka Carabta ayaa muddo ku howlaneyddhismaha saldhig Ciidan oo ay ka dhiseyso Magaalada Xeebta ah ee Berbera, iyadoo cuskaneysa heshiis ay la gashay Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa in mudo ah dacwad ka iyo ashtako ka waday arrinta dhismaha saldhiga Berbera, iyadoo dowladdu ku doodeysey in ay xadgudub tahay in dowladda UAEay Saldhig ciidan ka dhisto gudaha Soomaaliya, heshiisna ay la gasho Somaliland oo ay xukuumada Federaalku u aqoonsantahay maamul ka tirsan.

Ergada joogtada ah ee Soomaaliya u fadhisa Qaramada Midoobey ayaa dadaal dheer ku bixiyay dacwada ka dhanka ah Dowladda Imaaraadka ee dhismaha saldhiga Berbera waxayna gaarsiiyeen heer ah in dawacadooda ay ka sheegaan shirarka Guddiga Amniga ee Golaha Ammaanka, taasoo la rumeysan yahay cadaadiska joogtada ee saarnaa Imaaraadka keentay inay sababtay in la joojiyo Saldhiga Milateri ee Berbera.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Baalle ayaa dadaaladan hoggaaminayay, isagoo dhowr shir doceedyo ay lahaayeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegay in Imaaraadka Carabta ku xadgudbeyso qaranimada Soomaaliya.

Horaantii bishan September ayaa si rasmi ah loo joojiyay dhismaha, wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in khubaradii ka shaqeyneysay dhismaha Saldhiga ay u dhoofeen Dubai 8-dii September 2019.

Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka sheegay Berbera in la joojiyay dhismihii Saldhigga Milateri ee Garoonka Berbera, loona bedelayo Garoon rayid ah, dhowaan ay imaan doonto shirkaddii dhisi laheyd, isla markaana uu noqon doono garoon ka shaqo badan Dekeda.

 

Xigasho: Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here