Sideen Jacaylka Ugu Dabbaqi Karnaa Nolosheenna oo Dhan?

0
1451

Sideen Jacaylka Ugu Dabbaqi Karnaa Nolosheenna oo Dhan?

Jacaylka dhabta ah waxa uu xambaarsan yahay farriin wanaagsan oo u baahan in la ilaaliyo si ay u sii jirto oo ay u kobacdo, waxeyna leedahay dhinacyo badan oo wanaagsan, haweenayda qoraaga ah isla markaana ku takhasustay cilmi-nafsiga ee la yiraahdo Amal al-Xaamid ayaa sheegtay iney jiraan xiriir cajiib ah oo ka dhaxeeya jacaylka iyo caafimaadka guud; romantiguna uu u wanaagsan yahay caafimaadka, waxaana jira faa’iidooyin uu jacaylku leeyahay oo caafimaadka qofka u wanaagsan.

Arrintan ayaa waxaa ka dhawaajiyay daraasaad laga sameeyay guurka iyo caafimaad, lamaanaha is-jecel ee is qaba waa dadka ugu yar ee dhakhaatiirta booqda, maadaama uu xiriirku ku riixayo iney si wanaagsan naftooda u daryeelaan.

Amal waxey hadalkeeda sii raacisay, markaan jacayl dareenno, sida jacaylka Alle SW, kadib kan makhluuqa, maskaxdu waxey soo daynaysaa hormoonaad  uu ka mid yahay hormoonka jacyalka ee Ekistooseenka loo yaqaanno, kaas oo dhiirrigelinaya inaad dhica kale si wanaagsan ula xiriirto, hormoonkaasi waxa uu qabtoo shaqo kale oo waxa uu dadka ka ilaaliyaa raadka xun ee caadaadiska nafeed ee ay nolosha kala kulmeen.

Waxaa jira aragtiyo farabadan oo psychology uu sheego oo caddeynaya muhiimadda u jacaylku u leeyahay nolosha aadanaha oo aan marna ka maarmi karin; waa sabab aasaasi ah oo keenta dheelliritka nafta.

Amal al-Xamaadi oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri: waxaa jira labo marxaladood oo kala duwan oo uu jacaylku maro:

1-Jacaylka Dhibaatadiisa

2-Fikirka Jacaylka

Labadan marxaladood midba midka kale ayey dabooshaa, laakiin dhammaanteen waan marnaa, waxaan ku aragno aflaamta ama gabyaagu ay suugaanka ka tiriyeen, wax lagu riyooday maaha ee waa wax laga curiyay dhacdooyin iyo waayo aragnimo shaqsi ah oo si dhab ah u dhacay, hadaba su’aasha is-weydiinta leh ayaa ah sideen jacaylka noloshaana oo dhan ugu dabaqi karnaa?

Si aan jacaylka nolosheenna oo dhan ugu dabbaqno oo saameyn uu ugu yeesho, waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno in jacaylku ka dhigan yahay dareenka wanaagsan ee bani’aadamnimadu ka muuqato oo noloshoonna ku dabaqno, sida naxariista, dadka kale oo lala danqado, la garab istaago, loo dhimriyo, waa arrimo asalkoodu uu jacaylka raad ku leeyahay.

Ballanta oo la oofiyo, ammaanada, geesinimada, dadka kale oo nolosha loo ogolaado, runta, xishoodka, ixtirmaak, dareenka wanaagsan, xumaanta oo laga fogaado, samirka, sifooyinkaas waxaa lahaan kara qof uu jacayl hayo, markaad eray wanaagsan maqasho waxaa dareemaysaa dhoollacaddeeyn fudud oo qofka wax jecel kasoo fuleysa.

Sida ay sheegayso Amal al-xaamid, marka aan yeelanno astaamo wanaagsan oo nafteennu ay xasillooni dhammeystiran dareemayso markaa jacaylka nolosheenna oo dhan ayaan ku dabaqnay oo uu saameeyay, Alle SW waxa uu inoo abuuray jacayl uu inoo qabo, jacaylka dhabta ah adigaa ayaa naftaada u abuuri kara, tamarta aad soo saarayso waxaad ka dhigi kartaa mid wanaagsan oo dadka kale dhiirrigelin siisa, marka aad ku taagan tahay wadada saxda ee akhlaaqda ah iyo qaadashada amarka Alle SW, waxaa hubaal ah in naftaadu ay xasillooni dhammeystiran ay dareemi doonto, si kale marka aan u dhigno jacaylku waa imaanka qofka iyo akhlaaqda suubban.

Ugu dambeyn, in jacaylka oo aan nolosheenna ku dabbaqno waa shayga ugu wanaagsan ee qofi uu noloshiisa nasiib u yeelan karo, nacaybkuna waa sheyga xumaanta oo dhan asal u ah dalkeenna diifta ka muuqatana sabab u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here