Sidee ayaa looga falceliyay kacdoonka rabshadaha wata ee ka socda Ciraaq?

0
236

Sidee ayaa looga falceliyay kacdoonka rabshadaha wata ee ka socda Ciraaq?

Ciraaq waxaa sii xooggeystay rabshada u dhaxeeya taageerayaasha wadaadka shiiciga ah ee Muqdada Al-Sadri oo 29kii August 2022 ku dhawaaqay in uu isaga baxay siyaasadda kaddib markii ay kordheyn is fahamka siyaasiyiinta Shiicada ah.

Taageerayaasha wadaadkaan ayaa gudaha u galay Madaxtooyada Ciraaq iyaga oo iska caabbin xooggan kala hortagay Ciidamada ilaaliya aqalka looga arimiyo Dalkaas balse iska caabbintaas kama hor istaagin gelista Madaxtooyada.

Baraha Bulshada waxaa marqura qabsaday sawirro iyo muuqaallo ay iska soo duubeen dadka galay Madaxtooyada gaar ahaan meelaha caanka ah uu qasrigaas leeyahay oo ay kamid yihiin Baraagaha lagu dabaasho, halka lagu casuumo madaxda & goobo kale.

Sidee ayaa looga falceliyay kacdoonka rabshada wata ee ka socda Ciraaq?

Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric ayaa walaac ka muujiyay xaaladda aan xasilooneen ee ka jirta Ciraaq, dhinacyada isku khilaafsan siyaasadda ayuu ugu baaqay in aysan ka tallaabin xeendaabka nabadda & xasiloonida.

Danjiraha Dowladda Canada Gregory Galligan ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu ka xun yahay rabshadaha kusoo kordhay waddankaas waxa uu intaas ku daray in xaaladdu aanay wanaagsaneen.

Alina Romanowski oo ah Danjiraha Mareykanka ee Ciraaq ayaa sheegtay in waxa ka socda Ciraaq aanay dan u ahayn nabadda iyo geedi socodka wadahadalka siyaasadeed si looga hortago halista muuqata.

Safaaradda Turkiga ee Ciraaq ayaa shacabka Dalkaas ugu baaqday in aanay u safrin meelaha halista badan laga soo wariyay isla markaana ay ka warqabto si looga hortago dhibaatooyin ay la kulmi karaan inta lagu mashquulsan yahay xaaladaha ka dhashay khilaafka siyaasadeed.

Dowladda Kuwait ayaa Muwaadiniinteeda ugu baaqday in si degdeg ah uga soo baxaan Ciraaq si aanay waxyeello ugu soo gaarin rabshada ka socda dalkaas sida lagu sheegay war lagu daabacay barta Wakaaladda Wararka u faafisa dalkaas ee KUNA.

Waddamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa in kulan degdeg ah arrintaan ka sameeyaan si loo dejiyo qorshe lagu badbaadin karo ciraaq oo kasoo kabaneysa dagaallada ka dhashay duullaankii Mareykanka uu ku qaaday 2003dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here