Shirkii Golaha Amniga Qaranka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo dib u dhac ku yimid

0
831

Shirkii Golaha Amniga Qaranka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo dib u dhac ku yimid

Waxaa dib u dhac ku yimid Shirkii Golaha Amniga Qaranka uu todobaadkii hore ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, kaddib war murtiyeedkii Madaxda dowlad goboleedyada eedeymo fara badan ugu soo jeediyeen dowladda Federaalka, kuna hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay.

Shirkan ayaa qorshihiisa ahaa inuu dhaco 17-18 bishan September, hase ahaatee Maamul goboleedyada ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka shirka, iyagoo dalbaday garab saddexaad oo dhex dhexaadin ka noqda shirka iyo amniga magaalada Muqdisho oo shaki geliyeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka wadatashiga uu isugu yeeray Maamul goboleedyada looga hadli lahaa tabashada ay qabaan madaxda dowladda goboleedyada iyo xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa xubno ka ah Madaxda dowladda Federaalka Maamul goboleedyada, Gobolka Banaadir, waxaana dhowr goor oo hore shir ku yeesheen magaalada Muqdisho iyo Baydhabo oo shirkii ugu dambeeyay uu ka dhacay.

Lama oga sida ay isugu soo dhowaan karaan xilligan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo khilaafkooda heerkii ugu xumaa gaaray, waxaana socda dadaal ay wadaan Aqalka Sare oo lagu xalinayo khilaafka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here