Shirkii Dib u heshiisiinta Galmudug oo mar kale dib u dhac ku yimid

0
451

Shirkii Dib u heshiisiinta Galmudug oo mar kale dib u dhac ku yimid

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirweynihii dib u heshiisiinta Galmudug ee loo balansanaa maanta oo Arbaco ah.

Inkastoo inta badan ergooyinka ka qeyb galaya shirka ay ku sugan yihiin magaalada, hadana waxaa la ogeyn sababta keentay dib u dhaca maanta, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaraha ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb.

Saddex jeer oo hore ayuu shirka dib u dhac ugu yimid sababo la xiriiray tabasho ay qabeen beelaha iyo shuruudo ay ku xireen shirka, hase ahaatee tabashooyinkii beelaha waa la xaliyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in shirku furmi doono 4-ta bishan oo ku beegan maanta, waana markii labaad oo wasaaradda ay iclaamiso shirkan waqtiga uu furmayo oo dib u dhaco, halka labada jeer kale ee uu baaqday shirka uu ku dhawaaqay Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib u dhaca shirka dib u heshiisiinta uu sabab u yahay shirka weli ka furan magaalada Hobyo ee la filayo in berri la soo gabagabeeyo.

Waxgaradka ka qeyb galaya shirka Hobyo ayaa horay u dalbaday in laga war sugo shirkooda, isla markaana aan la qaban shirka Dhuusamareeb, inta uu ka soo dhammaanayo shirka Hobyo, balse lama oga in dalabkaas darteed uu u baaqday shirkii Dhuusamareeb.

Si kastaba ha ahaatee Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maalin ka hor u gaaray Dhuusamareeb inuu shirka dib u heshiisiinta furo, ayaa waxaa la sheegayaa inuu kulamo la leeyahay ergooyinka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku sugan magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here