Shirkadda McDonald’s oo hoos u dhac dhaqaale gashay kaddib markii ay Cunto Bilaash ah siisay Ciidanka Israaiil

0
67

Shirkadda McDonald’s oo hoos u dhac dhaqaale gashay kaddib markii ay Cunto Bilaash ah siisay Ciidanka Israaiil

Maqaaxida iibisa cunnada fudud gaar ahaan Hambeegarka ee lagu magacaabo McDonald’s ayaa la dhibaateysan hoos u dhac dhaqaale oo ku yimid wixii ka dambeeyay markii ay cunto bilaash ah ama lacag la’aan ah siisay Ciidanka Israa’iil ee Gaza ka dagaalamaya.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Xisaabaadka Shirkaddaan ayaa soo gudbiyay hoos u dhacaan, waxa ay sheegeen in haddii aan la helin Istaraatiijiyad cusub ay sii lumin doonnaan macaamiisha kooban ay haystaan kaddib aafadii Covid-19 kaddib.

Dalalka Carabta, Kuwa Islaamka iyo kuwo kale oo ka dhiidhiyay xasuuqa Israa’iil ka geysaneyso Bariga Dhexe waxaa ka billowday olole la isaga joojinayo iibsashada waxsoosaarka Maqaaxidaan oo la dhinac safatay Ciidanka Yuhuudda billowgii dagaalka Gaza.

Meelaha hoos udhaca uga yimid waxaa kamid ah: Kuwait, Malaysia, Pakistan & Dalal kale oo dhammaantood Bulshada ku nool ay hoos u dhigeen halka qaar kale ay joojiyeen in ay wax kasoo iibsadaan Shirkadda McDonald’s.

Sanadkii 1940kii ayaa la aasaasay Shirkaddaan, waxa ay noqotay Maqaaxi safka hore kasoo gashay kuwa la isku casuumo ama laga helo adeegyo kala duwan, waxa ay lugaha la gashay foolxumada ay dhexda ka taagan tahay Israa’iil ee ah in Dad rayid ah la xasuuqo.