Shirkadda Google ayaa xuseysa 20 sano guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay

0
724

Shirkadda Google ayaa xuseysa 20 sano guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay

Waa arrin dhif iyo naadir ah in magac shirkad loo adeegsado eray micne ficil ah sameynaya!.

Inteenna badan mar walba oo aan internet-ka wax ka baareyno waxaan dhahnaa wax baan ‘Google-gareyneynaa’.

Way sahlan tahay in la fahmo sababta ay Google u tahay mid ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee wax laga raadiyo – guud ahaan dunida!

Maanta waxay shirkaddu u dabaal dageysaa sannad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibbada loo taagay – laakiin dadka qaarkood waxay runtii ku jah wareersanyihiin maalinta saxda ah ee ay howlgalka billowday Google.

Mar ay boqoraddu booqatay xarunta Google ee London,, sidan ayey astaantooda ka dhigeenLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMar ay boqoraddu booqatay xarunta Google ee London,, sidan ayey astaantooda ka dhigeen

Inkastoo milkiileyaasheedu maanta ay xusayaan dhalashada shirkadooda, waxaa markii ugu horreysay la diiwaan galiyay 4-tii bishii Siteembar ee sannadkii 1998-kii.

Hase ahaatee adeegga ku saabsan in wax laga baari karo google waxaa la billaabay ku dhawaad hal sano ka hor wakhtigaas oo ahayd 15-kii bishii Siteembar e sannadkii 1997-kii!

Qoraal la soo dhigay Google dhexdiisa ayaa lagu yiri “Wakhtiga saxda ah ee shirkadda la aasaasay wali muran ayaa ku jira, xitaa kuweenna ka howl gala adeegga su’aalaha laga jawaabo ayaa ka doodaya. Adeegga Google Inc. waxaa la hirgaliyay 4-tii bishii Siteembar, balse in ka badan toban sano ka dib waxaan sannad guuradeenna u dabaal degnay 27-kii Siteembar”.

Shirkaddan baaxadda leh ee dhinaca tignoolojiyadda oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa waxaa isla aasaasay saynisyahannada kumbuyuutarka ee lagu kala magacaabo Sergey Brin iyo Larry Page.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here